Waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho kusoo dhamaaday kulan ay isugu yimaadeen saraakiisha ciidamada Shisheeyaha ee ATMIS, kuwaasoo kawada hadlay sidii wejiga labaad ee ka bixitaankooda Soomaaliya loo dardar gelin lahaa.
Waxaa shirkan oo socday 4 maalmood oo xiriir ah shir gudoominayay taliyaha guud ee ciidamada ATMIS ninka lagu magacaabo Lt. Gene. Sam Okiding, iyadoo ay kasoo qeybgalayeen saraakiisha dalalka shanta ah ee ay ciidamada midowga Afrika.
Saraakiisha ciidamada Shisheeyaha ATMIS ayaa sheegay iney qiimeyn ku sameeyeen sida uu u hirgalay wejiga koowaad ee ay dalka Soomaaliya kaga saareen 2000 oo askari, 6 saldhigna ugu wareejiyeen Dowladda federaalka.
Waxay sidoo kale saraakiisha ATMIS ka hadleen sidii looo dardar gelin lahaa wejiga labaad oo dalka Soomaaliya looga saarayo ugu yaraan 3000 oo askari illaa dhamaadka bisha sagaalaad ee Septembar.
“Waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladda guud ee ammaanka iyo khataraha Al-Shabaab, waxaana ka soo saarnay go’aanno ay fulinayaan taliyeyaasha qaybaha,” ayuu yiri Lt. Gene. Okiding oo ah taliyaha guud ee ciidamada Shisheeyaha ATMIS.
Deegaannada qaar ee ay ka baxeen ciidamada Shisheeyaha ATMIS waxaa la wareegay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana kamid ah deegaanka Gerilley ee gobolka Gedo.