HomeAll newsHogaanka ATMIS oo Shir Ka Yeeshay Diyaarinta 3000 oo Askari oo Dalka...

Hogaanka ATMIS oo Shir Ka Yeeshay Diyaarinta 3000 oo Askari oo Dalka Ka Baxaya.

Maanta ii Isniin ahayd, waxaa xerada Xalane ee magaalada Muqdisho kusoo gabagaboobay shir muddo afar maalmood ah u socday taliska ciidanka shisheeye ee ATMIS, kaasoo lagu gorfeynayay wajiga labaad ee bixitaanka ciidamada shisheeye.

ATMIS madaxdoodu waxay isku raaceen in qorshaha wajigii koowaad ee bixitaanka ay ku guuleysteen bishii June, goortaas oo ay Soomaaliya ka saareen kumannaan askari, waxaana kulankoodan cusub goob joog ka ahaa saraakiil ka socota shanta dal ee kusoo duulay wadanka.

Taliyaha ciidanka Atmis General Sam Okiding oo shirka maamulayay islamarkaana qeybinayay doodaha iyo aragtiyada ayaa sheegay in waxyaabihii ay ka niqaasheen ay kamid ahaayeen waxa uu ugu yeeray khatarta Xarakada Al-Shabaab iyo qodobo kale.

“Waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladda guud ee ammaanka iyo khataraha Al-Shabaab, waxaana ka soo saarnay go’aanno ay fulinayaan taliyeyaasha qaybaha,” ayuu yiri taliyuhu.

Shirka waxaa aad looga hadlay sida ugu habboon ee loo billaabi karo wajiga labaad ee bixitaanka iyo magaalooyinka ugu horreeyay ee ciidamada laga saari karo, mar walba waxaa dood dhalinayay oo saraakiishu isku qabsanayeen in bixitaanka uusan keenin khasaare badan oo gaara ciidanka.

Sida la wada ogsoon yahay marka uu ciidan ka baxayo wadan uusan lahayn waxaa ku adag inuu nabad galyo ku boxo isagoo hubkiisa iyo agabkiisa wata, sababtoo ah dhabarka dambe iyo hortiisa ayaa looga iman karaa sida ka dhacday dalka Afganistaan markii ay Mareykanku ka baxayeen.

Mas’uuliyiinta Atmis waxay sheegeen in dhammaadkii bishii June ay Soomaaliya ka direen 2000 oo askari oo, kana baxeen 6 saldhig. Mid kamid ah saldhigyadii ugu waaweynaa ee ay ka bexeen waa degaanka Geriley ee gobolka Gedo oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kala wareegeen askar ka tirsan Jubbaland oo lagu wareejiyay.

Saraakiisha Atmis waxay hoosta iskala xariiqeen in Soomaaliya laga saaro 3 kun oo askari, waana shaqada wajiga labaad ee bixitaanka oo la filayo in la dhammeeyo bisha Sebtembar gunaanadkeeda.
Mid kamid ah mas’uuliyiinta ciidamada shisheeye ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay bixitaanka iyo badqabka ciidamada ajnabiga ah maadaama ay joogaan wadan lagula dagaalamayo tan iyo markii ay yimaadeen muddo laga joogo 15 sano.

“Waa inaan qiimeyn ku sameynaa wajiga koowaad ee dhimista, saameynta ay ku yeelan karto amniga, bini’aadantinimada, xaaladda siyaasadda iyo dhinacyada kale, caqabadaha lala kulmay oo aan falanqeyno sida aan si hufan ugu fulin karno wejiga labaad ee dhimista ATMIS,” sidaasi waxaa yiri taliye kuxigeenka ciidanka ATMIS ee qorsheynta, Maj. Gene. Marius Ngendabanka.

DF waxaa walwal weyn ku haya bixitaanka ciidamada shisheeye taasoo Xasan Sheekh ku kalliftay inuu u safro dalal shisheeye kana codsado ciidamo buuxiya kaalinta kuwa baxaya. Bixitaanka ciidamada shisheeye ayaa waxaa soo dadajiyay dhowr arrimood oo ay ugu horreeyaan, khasaaraha gaaraya oo kordhay iyo dowladaha reer Yurub oo awoodi waayay bixinta taakuladii dhaqaale ee ay siin jireen.

Ciidamada milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa la xasuustaa in bishii May 2023, ay gabi ahaanba burburiyeen xeradii ay dagganaayeen ciidanka Uganda ee Buulomareer, halkaasoo wax ka badan 200 oo askari ay ku dileen, kuna soo qabteen tiro maxaabiis ajnabi ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular