Warbixin lagu daabacay wargeyska Times ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay ayaa kumanaan kun oo katirsan dadka Yahuudda ah ay isaga tagayaan dhulka Filastiin ee horaanba xooga lagu deegaameeyay, wixii ka dambeeyay markii baarlamaanka Yahuudda ee Kaniisadda uu meel mariyay xeer dhimaya awoodda garsoorka ee maamulka Yahuudda.
Tobanaan kun oo Yahuud ah ayaa todobaad kadib markii kaniisadda Yahuudda ay meel marisay xeerka xadeynta awoodda garsoorka waxay isaga tageen dhulka Filastiin halka qaarkoodna ay hadda arinkaasi ku fakarayaan, sababo ku aadan cabsida iyo walwalka ay ka qabaan in Natanyahu uu awooddiisa kaga horyimaado shacabka Yahuudda, maadaama garsoorkii loo dacwoon lahaana awoodiisa la dhimay.
On Codiid waa Yahuudi 30 sano jir ah, sanadkii 2019-ka ayuu kasoo tagay Canada, isagoo go’aansaday in dhulka Filastiin ee ay xooga ku heystaan Yahuudda kula noolaado xaaskiisa iyo waalidkiisa, balse todobaadkii lasoo dhaafay ayuu ku laabtay dalka Canada, isagoo tilmaamay in xaaladda siyaasadeed ee uu wajahayo maamulka Yahuudda ay cabsi adag ku beertay, kuna qasabtay inuu isbedel ku sameeyo qorshayaashiisa gaarka ah.
Halkan ka dhagayso Yahuudda oo ka barakaceysa dhulka Filastiin.