Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo kamid ah Culimada Diinta islaamka ayaa jeediyay muxaadaro dhagaysigeeda ay kasoo qeygaleen dad badan.
Sheekha Ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay in la is faro wanaaga lana reebo xumaanta.
Waxa uu soo hadal qaday doorashooyinka lagu wado in lagu qabto Magaalada Muqdisho si loogu soo dhiso dowlad badatasha tan iminka jirta.
“Waxaad Maqlaysaan in Magaalada Muqdisho la leeyahay Doorasho Ayaa lagalayaa,waxaa La dooranayaa Baadil”ayuu Yiri Sheekh Fu’aad.
Waxa uu ahlu diinka gaar ahaan culimada usheegay inay waajib ku tahay in umadda ucadeeyaan xukunka doorashadaasi iyo in laga hortago munkarka.
Halkan Ka Dhageyso Kalimada Sheekh Fuaad-
Culimo badan oo ku dhaqan Magaalada Muqdisho islamarkaana allaah uu siiyay Cilmi ayaa ka aamusan inay kala cadeeyaan waxa diinta islaamku ka qabto in laga qeybgalo ama la taageero doorasho ay wataan shisheeyaha oo lagu soo dhisayo dowlad ku dhaqanta dastuur ka dhan ah diinta islaamka.