Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka uu ka taliyo maamulka Axmed Madoobe ayaa ku waramaya in halkaasi laga raafayo dhalinyarada.
Dhalinyarada ayaa si xoog ah loo askaraynayaa si looga horgeeyo xarakada shabaabul mujaahidiin.
Odayaasha dhaqanka Jubooyinka ayaa war kasoo saaray raafka socda ee ka dhanka ah dhalinyarada.
Nabadoon Cabdi shiilow oo uwaramay idaacadda alfurqaan ayaa sheegay in tallaabadaan maamulka qaaday muujinayso taag darida maamulka.
waxa uu sheegay in rag badan oo ciidan u ahaa maamulka ay isaga tageen shaqada halka kuwa kalana lagu kari la’yahay inay galaan dagaal ka dhan ah mujaahidiinta.