Habeen Hore diyaarado laga leeyahay Maraykanka ayaa si ba’an uduqeeyay deegaanka Yoontoy oo dhaca dulleedka Kismaayo.
Sadex ruux oo mid kamid ah uu yahay oday 70 sano jir ah oo Lagu Magacaabo Maxamed Xasan Abuukar ayaa ku dhintay duqeynta.
Idaacadda ALfurqaan ayaa wareysatay wiil uu dhalay odayga dhintay iyo mid kamid ah odayaasha dhaqanka Yoontoy.
Waxa ay sheegeen in Maraykanku yahay Argagaxiso beegsanaya shacabka isagoo aanan kala sooceyn alshabaab,xoolo iyo shacab.
Dadka dhintay ayaa ku sugnaa beero ku yaala Yoontoy.
Diyaaradaha Maraykanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay qaaday weeraro xagga cirka ah oo aanan lahayn bartilmaameed mucayan ah.