HomeAll newsBeesha Bartire oo Caleemo saaratay Ugaas Cusub.(Maqal)

Beesha Bartire oo Caleemo saaratay Ugaas Cusub.(Maqal)

micXaflad si heer sare loo soo agaasimay ayaa ka dhacday Degmada Xagar ee wilaayada islaamiga ah Jubooyinka.

Odayaal Dhaqan,mas’uuliyiin ka socotay wilaayada ayaa ku sugnaa halka xafladu ka dhacday.

ujeedka xaflada loo qabtay ayaa ahayd in beesha Bartire oo kamid ah beelaha Absame ay doortaan Ugaas Cusub.

Waxgaradka Beesha ayaa isku raacay in Ugaaska Cusub ee Bartire uu Noqdo Ugaas Nuur Cali Madeey.

Waaliga Jubooyinka Sheekh Cabdiraxmaan Xudeyfa oo madasha ka hadlay ayaa dardaaran ujeediyay Ugaaska Cusub iyo beelaha kasoo qeybgalay caleemo saarka.

Dhageyso Kalimada Sheekh Cabdiraxmaan Xudeyfa.

Odayaal ka socday Beelo lagu casuumay munaasabada ayaa iyaguna goobta ka sheegay inay soo dhaweynayaan Ugaas Nuur Cali oo ay la shaqeyn doonaan.

Dhageyso Codadka Odayaasha Kasoo Qeybgalay Xaflada.

Ugu danbeyntii waxaa xaflada soo xiray Ugaas Nuur Cali,

Dhageyso Kalimada Ugaas Nuur Cali Madeey

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular