HomeAll news8 Askari oo ka tirsan ciidanka DF oo lagu dilay Beledxaawo.

8 Askari oo ka tirsan ciidanka DF oo lagu dilay Beledxaawo.

Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa weerar qarax loo adeegsaday oo ka dhacay saacadihii lasoo dhaafay degmada Beledxaawo ee wilaayada Gedo.

Ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gudaha degmada Beledxaawo ku beegsaday ciidamo iyo saraakiil ka tirsan DF.

Khasaaraha dhimasho ee ciidamada DF ayaa gaaray 8 askari oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo Cali Indhacadde, halka uu ku dhaawacmeen 5 kale oo labo kamid ah ay yihiin saraakiisha kala ah, Ibraahim Bilow iyo Jacaylow.

Beledxaawo oo ah degmo taariikhi ah ayaa kamid ah degmooyinka ay saameynta ku leeyihiin shisheeyaha Itoobiya iyo Kenya oo labadaba ay uga furan yihiin wadooyin dhanka xuduud beenaadyada ah.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular