Maanta oo talaado ah weerar Culus ayaa lagu beegsaday Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah Atmis kana howlgalla gobalka shabeelaha dhexe.
Warar goor dhaw kusoo dhacay warqabadka Alfurqaan ayaa sheegaya in qarax xooggan lagu weeraray ciidamo lugeynayay oo katirsan askarta Burundi.
Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Xawaadley, ee sheelaha dhexe.
waxaa la xaqiijiyay dhimashada saddex Askari iyo dhaawac askari kale oo dhamaantooda ka tirsan ciidamada Burundi.
Ciidamada Burundi ee ka howlgala shabeellaha dhexe ayaa marar badan la weeraray xilli dhawaan gobalka laga saaray qeyb kamid ah ciidamada Burundi.
Wixii tafaasiil dheeraad ah ee na soo gaara weynnu soo gudbin doonnaa inshaa allaah.