HomeAll newsDegdeg:Askar katirsan ciidamada Burundi oo ku dhintay qarax ka dhacay shabeellaha dhexe.

Degdeg:Askar katirsan ciidamada Burundi oo ku dhintay qarax ka dhacay shabeellaha dhexe.

Maanta oo talaado ah weerar Culus ayaa lagu beegsaday Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah Atmis kana howlgalla gobalka shabeelaha dhexe.

Warar goor dhaw kusoo dhacay warqabadka Alfurqaan ayaa sheegaya in qarax xooggan lagu weeraray ciidamo lugeynayay oo katirsan askarta  Burundi.

Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Xawaadley, ee sheelaha dhexe.

waxaa la xaqiijiyay dhimashada saddex Askari iyo dhaawac askari kale oo dhamaantooda ka tirsan ciidamada Burundi.

Ciidamada Burundi ee ka howlgala shabeellaha dhexe ayaa marar badan la weeraray xilli dhawaan gobalka laga saaray qeyb kamid ah ciidamada Burundi.

Wixii tafaasiil dheeraad ah ee na soo gaara weynnu soo gudbin doonnaa inshaa allaah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular