Wakaaladda wararka ee Talyaaniga ANSA ayaa baahisay in dooni ku rogtamay xeebaha wadankaas ay ku dhinteen tahriibyaal saarnaa.
Ugu yaraan 41 qof ayaa la xaqiijiyay dhimashadooda, kuwaasoo ay doontu kula qallibantay xeebaha jaziirada Lambidoza ee wadanka Talyaaniga.
4 ruux oo kasoo badbaaday doonta qallibantay ayaa ciidamada badaha ee Talyaaniga waxay u sheegeen in doonta rogtamay ay kasoo shiraacatey xeebaha magaalada Safaaqis ee wadanka Tuunis, ayna kusii jeedeen dhanka Talyaaniga.
Dhacdadan waxay kusoo aadeysaa labo maalin kahor, oo ay ciidamada dalka Marooko ku dhawaaqeen in xeebaha Atlantika ay kasoo badbaadiyeen 56 qof oo tahriibiyaal ah, kuwaasoo kusii jeedey wadamada Yurub.
Mudooyinkii u dambeeyay waxaa aad usoo badanayay doonyaha ku qaqroomaya badaha, kuwaasoo ay saaranyihiin dad ka tagay wadamada Afrika oo doonaya iney galaan Yurub, arimahanna waxaa loo aaneynaya isbedelka cimilada iyo dabeylaha xoogan ee jira, iyadoona kiisaska qaar la ogaaday iney ku lug leeyihiin ciidamada badaha ee Yurub, kuwaasoo biyo ku furaya doonyaha yar yar ee ay saaranyihiin dadka tahriibaya.