Wararka kusoo dhacaya warqabadka Idaacadda Al-Furqaan ayaa tilmaamaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab fuliyeen howlgallo kala duwan oo ka kala dhacay gobollada Banaadir iyo Baydhabo.
Haddii aynu ku hormarno Muqdisho, howlgal ay ciidamada Xarakada Al-Shabaab ka fuliyeen degmada Kaxda waxay ku dileen askari katirsan ciidamada Dowladda federaalka kaasoo lagu magacaabo Ibraahim Maxamed Ibraahim.
Dhanka Baydhabo, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab askar katirsan kuwa maamulka Koonfur galbeed oo ku sugnaa xaafadda Ban-khiyaano ee magaalada Baydhabo.
Waxaa weerarka lagu dilay askari lagu magacaabo Cabdi Nuur, iyadoo sidoo kale lagu dhaawacay askari kale oo magiciisa lagu soo koobay Gaabsho.
Diinsoor, waxay ciidamo katirsan Xarakada Al-Shabaab weerar ku qaadeen askar ku sugnaa Isbartiibada, iyadoo halkaas ay ka dhasheen khasaare aan xog buuxda laga helin.