Wargeyska lagu magacaabo Vazglyad ayaa qorey warbixin uu kaga hadlay in dowladda Maraykanka ay sii xoojisay wujeedkeeda caskari ee dalka Suuriya, halkaas oo ay sidoo kale ku suganyihiin ciidamo ka socda dalalka Ruushka iyo Iiraan oo ay siyaasad ahaan is diidanyihiin reer galbeedka.
Warbixinta ayaa tilmaameysa in ciidamada Maraykanka ay qalabyo Lojistika iyo saanado milliteri ay kasoo daad gureeyeen saldhigyada ay ku leeyihiin dalka Ciraaq, ayna keeneen dalka Suuriya, iyagoo kasoo gudbay marinka Al-waliid ee kala qeybiya Suuriya iyo Ciraaq.
Wargeyskan laga leeyahay Ruushka laguna magacaabo Vazglyad ayaa soo xiganaya ilo wareedyo katirsan kooxaha mucaaradka Suuriya, kuwaasoo sheegay in ciidamada Maraykanka ee kasoo gudbay Ciraaq ay gaareen gobolka Al-Xasakah, halkaas oo ay ku xooganyihiin malleeshiyaadka Kurdiyiinta ee xulafada dhow la lah Maraykanka.
Ilo wareedyada wargeyska la hadlay waxay sheegayaan in tirada ciidamada Maraykanka ee dalka Suuriya oo horey u ahaa 500 oo askari ay hadda noqdeen 1500 oo askari, taasoo haddii ay xaqiiqo noqoto ka dhigan koror xoog leh oo ku yimid ciidamada Maraykanka ee Suuriya jooga.
Sida uu tilmaamayo wargeyskan Ruushka laga leeyahay, qeyb kamid ah askartan waxay howshoodu tahay tabobarida ciidamada Kurdiyiinta, halka qaarkoodna ay ku howlanyihiin ilaalinta garoonnada milliteri iyo ceelasha shidaalka ee ku yaala gobollada Al-Xasakah iyo Deyru Zuur oo dhaca bariga dalka Suuriya.
Diyaariyaha warbixinta wuxuu tilmaamayaa in tallaabada ay dowladda Maraykanka ku kordhisay ciidankekeda jooga Suuriya ay ku dooneyso iney cadaadis ku saarto Ruushka, qeybna ka tahay tartanka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labadan awoodood.
Korneel Olig oo ku xigeenka madaxa waxa loogu yeero markazka musaalaxada kooxaha isku haya Suuriya, ahna markaz taabacsan ciidamada Ruushka ayaa sheegay in dhawaan ay diiwaan geliyeen in diyaarad milliteri oo ay dowladda Maraykanka leedahay ay aad ugu soo dhawaatay diyaarad kale oo ay leeyihiin ciidamada Ruushka, taasoo ku duuleysay hawada magaalada Al-BAAB ee gobolka Xalab.
Dowladda Maraykanka waxay dhankeeda aaminsantahay in dhoolatusyada xaga hawada ah ee ay sameyanayaan diyaaradaha Ruushka ee Suuriya ay yihiin kuwa masuuliyad darro ah, ayna u muuqato in Moskow ay tijaabineyso sabarka iyo dulqaadka dowladda Maraykanka, xilli xiriirka labada dal uu go’ay wixii ka dambeeyay duulaankii Ruushka ee Ukraine.
Masuul sare oo katirsan Bentagonka oo dhawaan la hadlay wargeys lagu magacaabo Daily Express ayaa sheegay in dowladda Maraykanka ay diraaseyneyso sidii jawaab milliteri ay usiin lahayd ciidamada Ruushka ee jooga Suuriya, kuwaasoo uu sheegay iney sii kordhiyeen daandansiga ay ku hayaan ciidamada Maraykanka.
Khabiir xubin ka ah markaz ku yaala dalka Ruushka ayaa tilmaamaya in sababaha Maraykanka ku riixaya kordhinta ciidankooda jooga Suuriya ay tahay iyagoo ka cabsi qaba in malleeshiyaadka gacan saarka la leh Iiraan ay weeraro ka geysteen saldhigyada Maraykanka ee dalkaas, inkastoo uu sheegay ineysan ahayn wax la fahmi karo in Maraykanku uu sameeyo kordhin intaas la eg oo saddex jeer ku jibaaran tirada ciidankiisa horey u joogay Suuriya.
Valadamir Veslif oo xubin ka ah machad fadhigiisu yahay Ruushka oo qaabilsan arimaha Maraykanka iyo Canada ayaa tilmaamaya in gebi dhacelynta siyaasadda arimaha dibadda ee Maraykanka ay aad uga muuqaneyso Suuriya, isagoo sheegay in Maraykanku ku howlanyahay in haddii uu natiijo kasoo hoyn waayo dagaalka uu kaga jiro Ukraine uu tallaabo ka dhan ah Ruushka ka sameeyo dalka Suuriya.
“ Waxaa muuqata in Maraykaku doonayo inuu si xoog leh markale kusoo galo Suuriya, si gaar ah wixii ka dambeeyay tamarudkii uu sameeyey Bergowjan” ayuu leeyahay Valadamir.
Laakiin khabiir Ruushiyaan ah oo lagu magacaabo Malik Dodakoof ayaa qaba fakar kaas ka duwan, wuxuuna tilmaamayaa in Maraykanka iyo Ruushka oo isku dhac ku dhexmaro Suuriya ay ku imaan karto keliya qorshe la’aan iyo kedis, balse aanu Maraykanku marnaba xilligan qorsheyneyn inuu si toos ah u wajaho Ruushka.
Dowladaha Maraykanka iyo Ruushka ayaa aad isku haya, waxaana dagaalkii qaboobaa ee sanado badan dhexmarayay uu hadda u muuqdaa mid isku bedelayo dagaal toos ah, sidaba hadda ka taagan dalka Ukraine oo ay dad badan rumeysanyihiin in Maraykanku si toos ah ugu lug leeyahay dagaalka halkaas ka socda.