HomeAll news16 Qof oo Ku Dhintay Dibadbaxyada Ka Socda Kenya 7 Maalmood Gudahood.

16 Qof oo Ku Dhintay Dibadbaxyada Ka Socda Kenya 7 Maalmood Gudahood.

Dalka Kenya waxaa aad ugu sii xoogeysanaya dibadbaxyada looga soo horjeedo canshuur kordhinta ay sameysay xukuumadda wadankaas.

Todobadii maalmood ee ugu dambeeyay waxaa dibadbaxyada Kenya ku geeriyooday 16 qof kuwaasoo labo kamid ah ay shalay oo Arbaco ahayd lagu dilay Kisimu.

Warbaahinta wadanka Kenya waxay sidoo kale soo tabineysaa in 6 maalmood ee lasoo dhaafay dibadbaxyada lagu dilay 14 qof oo kale oo u badan shacabka.

Dhimashada dadkan ayaa timid kadib markii ciidamada boolisku ay shacabka u adeegsadeen rasaas wax disha. Mudaharaadyada xooggoodu waxay ka dhacayaan Mumbasa iyo Nairobi.

Sidoo kale waxaa isbitaalada la dhigay 51 caruur ah oo ku waxyeelloobay sunta dadka ka ilmeysiisa oo ay boolisku isticmaalayeen.

Hey’adaha xuquuqda aadanaha ee reergalbeedka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay tacaddiyo u geysatay dadka maatida ah, dhow hey’adood oo kuwa Qaramada Midoobay iyo Reergalbeed ah ayaa laxaw badan u muujiyay shacabka, laakin waxaa la yaab leh in hey’adahaasi aaney marnaba ka hadal duqeymaha iyo gumaadka ay diyaaradaha Kenya ka geysteen dad Muslimiin ah oo Soomaaliya ku nool.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular