Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa shalay mar kale ku dagaalamay laba malleyshiyo beeleed oo ku nool degaanada u dhaxeeya degmooyinka Cadalle iyo Raagaceelle.
Wararka ayaa sheegaya in labada malleyshiyo ay shalay ku dirireen dhowr degaan inkastoo aanan wali helin inta uu la eg yahay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee kala gaaray.
Dagaalkii shalay oo saacado socday ayaa iskiis u istaagay sida ay noo sheegeen goobjoogayaal ku sugan Cadalle, waxaana maanta dib usoo cusboonaatay xiisadda labada geesood.
Malleyshiyada oo lagu sheegay iney yihiin kuwii uu Xasan Sheekh hubeeyay islamarkaana loogu yeerayay Macawiisley ayaa isku heysta dhuldaaqsimeed, waxaana muuqata in degaanada ay tageen ciidamada DF ay kusoo kordheen colaadaha beelaha walaalaha ah.
Wararka ka imaanaya Cadalle iyo Raagaceelle waxay sheegayaan in dhinacyadu ay wadaan isku hub uruursi, dorraad ayay ahayd markii mas’uul ka tirsan Hirshabelle uu sheegay in colaad beeleedyada ay hurinayaan siyaasiyiin danley ah.