HomeAll newsXillibaan katirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Oo Muqdisho Lagu Weeraray.

Xillibaan katirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Oo Muqdisho Lagu Weeraray.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ka dhacay qarax xoogan oo lala beegsaday mid kamid ah xillibaannada Dowladda federaalka.

Xillibaan Cusmaan Maxamed Dufle oo katirsan Aqalka sare ee baarlamaanka Dowladda federaalka ayaa qaraxa lala eegtay, xilli uu marayay nawaaxiga hotel Dayax.

Xillibaanka ayaa ka badbaaday qaraxa, waxaase ku dhintay askar dhowr ah oo katirsanaa ilaaladiisa gaarka ah.

Goobjoogayaal ayaa soo tabiyay in qaraxu ahaa mid xoogan islamarkaana jugtiisa laga maqlay qeybo kala duwan oo kamid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Halkan ka dhagayso Xillibaan Dufle Oo ka badbaday Qarax

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular