Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeelaha Dhexe, Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kaba ku dukade) oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa ka hadlay mashaariic horumarineed oo ka fulay gobolka iyo dagaalada ka dhanka ah Shisheeyaha.
Mar uu ka hadlayay mashaariicda ayaa wuxuu tilmaamay iney degmooyinka qaar ee gobolka ka qodeen ceel biyoodyo halka sidoo kale dhiseen xarumo caam ah oo bulshada loogu adeego.
Degmooyinka ugu caansan ee mashaarciida laga fuliyay waxaa kamid ah, Aadan, Yabaal, Ruunirgood, Towfiiq iyo Gamboole.
Waxa kale oo uu ka waramay kulamo heshiisiin ah oo qabaa’il ay u smaeeyeen isagoo tilmamaay in wilaayadu ay xilligan horumar hiigsanayso.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ka hadlay dagaalada ka dhanka ah ciidamada Burundi iyo kuwa Soomaalida ah ee la shaqeeya waxaana uu tibaaxay in shisheeyuhu xaaladdiisu aad u liidato islamarkaana ay marayaan heer ay askarta DF ka dalbadaan iney u galbiyaan shidaalka.
Muddo todobaad laga joogo waxaa meel u dhow degmada Balcad lagu qarxiyay gaari Booyad ah oo shidaal u siday ciidamada shisheeye kaasoo ay galbinayeen askar ka tirsan ciidamada DF.
Halkan Ka Degso Qeybta 1-aad Wareysiyada Sh/Yuusuf Kaba Ku Dukade