HomeAll newsShil Khasaare Dhaliyay Oo ka dhacay Degmada Buula Fullaay ee Baay.

Shil Khasaare Dhaliyay Oo ka dhacay Degmada Buula Fullaay ee Baay.

Wararka ka imaanaya degmada Buula Fullaay ee wilaayada islaamiga ee Baay iyo Bakool ayaa ku waramaya in shil dhaliyay khasaare nafeed uu ka dhacay duleedka degmadaas.

Labo mooto oo nooca saddex lugaaleyda ah ayaa isku dhacay, kuwaas oo ay saarnaayeen dad ka badan 10 ruux, waxaana halkaas ku dhintay qaar kamid ah dadkii la socda labada mooto.

Wiil iyo gabar kamid ah dadkii saarnaa mootooyinka isku dhacay ayaa goobta ku geeriyooday, halka ay kuwa kalena ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, haba ugu darnaate labo ruux.

Ehellada dadka ku dhintay shilka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney ku qanacsanyihiin qadarta Allaah, ayna rajeynayaan inuu u naxriisto dadkii ka dhintay.

Holwadeennada caafimaadka e isbitaalka weyn ee degmada Buula Fullaay oo iyagana Saxaafadda la hadlay ayaa tilmaamay iney gurmad u sameeyeen dadka ku dhaawacmey shilka, ayna hadda jiifaan isbitaalka.

Inkastoo ay qadartu tahay mid aaney jirin wax ka hor tagi  kara, hadana waxaa loo sababeeyaa shilalka khibrad yarida darawallada.

Halkan ka dhagayso Warbixin ku aadan Shilka ka dhacay Buula Fullaay.

 

(Clonazepam)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular