Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaallo iyo qaraxyo xoogan waxay la beegsadeen ciidamo katirsan kuwa maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.
Wararka ka imaanaya deegaannada dhaca duleedka magaalada Kismaayo ayaa xaqiijinaya in dagaallo dhacay maanta lagu dilay 10 askari oo ay ku jiraan saraakiil katirsan maamulka Jubbaland.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal adag kala hortagay ciidamada maamulka Jubbaland kuwaas oo isku dayay iney sameeyaan dhaqdhaqaaqyo milliter.
Baar Sanguuni waxaa ku sugan ciidamo katirsan maamulka Jubbaland, oo taageero ka helaya kuwa Maraykanka, waxayna si joogta ah ula kulmaan weeraro abaabulan oo uga imaanaya dhanka ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab.