HomeAll newsDagaallo Xoogan oo ka dhacay Mahadaay, Bariire iyo Afgooye.

Dagaallo Xoogan oo ka dhacay Mahadaay, Bariire iyo Afgooye.

Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weeraro saf ballaaran ah ku qaadeen ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka ee ku sugan degmooyinka Mahadaay, Afgooye iyo deegaanka Bariire oo katirsan gobollada Shabeellooyinka.

Dagaalladu waxay ahaayeen kuwa culus oo la isku adeegsaday hubka fud fudud iyo midka dhexe, waxaana ciidamada Mujaahidiinta u suuragashey iney ka dagaallamaan afaafka hore ee difaacyada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka.

Mahadaay waxaa lagu weeraray ciidamada Burundi iyo kuwa dowladda federaalka, waxaana dadka degan degmadaas ay sheegeen in dagaalkan uu ahaa kuwii ugu xooganaa ee mudooyinkii dambe ka dhaca.

Shisheeyaha Uganda iyo kuwa Dowladda federaalka ee jooga Bariire iyo Afgooye ayaa iyaguna la kulmey weeraro culus, waxaana la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee gaaray.

(teachworkoutlove.com)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular