Waxaa magaalada Muqdisho maalintii shalay booqasho qarsoodi ah ku yimid taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka u qaabilsan qaaradda Africa ninka lagu magacaabo General Stephen Townsend.
Stephen ayaa markii uu soo gaaray Muqdisho wuxuu kulamo la yeeshey safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka Xassan Cali Kheyre iyo masuuliyiin kale.
Jeneraalkan oo dhawaan lagu bedelay Thomas Waldhauser oo sanadihii u dambeeyay ahaa taliyaha Africom ayaa isagana wuxu sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay tahay halista ugu badan ee kaga imaaneysa mandiqadda bariga Africa.
Wuxuu sheegay inuu Maraykanku sii wadi doono howlgalkiisa Soomaaliya.
Taliyihii isaga ka horeeyey ayaa la xusuustaa in dhowr jeer oo hore uu booqasho qarsoodi ah ku yimid Muqdisho, taas oo loo sababeynayo cabsi ku aadan inuu la kulmo weeraro nafhurnimo ah oo uga yimaada dhanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.