HomeAll newsSaraakiil ka tirsanaa Booliska Federaalka ee Itoobiya oo La Toogtay.

Saraakiil ka tirsanaa Booliska Federaalka ee Itoobiya oo La Toogtay.

Dhacdo ay ku dhinteen laba sarkaal oo katirsan Booliska Federaalka Itoobiya  ayaa  laga soo warinayaa Gudaha Dalka Itoobiya.

Aaron Maasho, oo ah weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters iyo Midowga Afrika ayaa xaqiijiyay dilka Saraakiisha kuwaasi oo ilaalo ka ahaa  goob caafimaad oo dawo lagu bixinayay.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Itoobiya ayaa sidoo kale xaqiijiyay Geerida saraakiisha, waxayna tilmaameen in gacanta Lagu dhigay Ninka Fuliyay Toogashada.

Tan iyo Markii uu xilka qabtay Reysulwasaaraha Itoobiya ayaa waxaa wadanka  ka socday  isku dhacyada qabaa’ilada waxayna saameysay ciidamada Dowladda si gaar ah kuwa Booliska Federaalka.

Booliska ayaa lagu eedeeyaa inay gaysteen tacadiyo isugu jira dilal iyo tacdiibin daran.

Abiya Axmed ayaa umuuqda mid ku fashilmay wax ka qabashada qalalaaha amni ee ka aloolsan qeybaha dalka.

Dhawaan afganbi fashilmay oo ka dhacday Gobalka Amxaarada ayay Itoobiya ku weysay saraakiil ciidan oo uu ku jiray Taliyihii ugu sareeyay Ciidamada Itoobiya iyo madaxweynihii Gobalka.

Abiya Axmed oo dhacdadaasi ka hadlay ayaa sheegay in afganbigaasi uu kamid ahaa arrimo Qatar ah oo qorsheysan oo ka dhan ah xukuumada uu hoggaamiyo oo isku dayaysa in wax isbadal lagu sifeeyay ka hirgaliso dalkaasi.

(https://pestkill.org)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular