HomeAll newsQabaa'ilada oo looga digay in ay Dowladda Federaalka ah darteed u le'daan

Qabaa’ilada oo looga digay in ay Dowladda Federaalka ah darteed u le’daan

Iyadoo Dowlada Federaalka ah markii ay ku jabtay Dagaalada ka dhan ah Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay Naf ka raadisay ababaulka Mooryaan qabiil si ay ugu dagaalamaan ayaa arinkaa waxaa ka hadlay Nabaodon Xasan Aaadan Nuux (Xasan Quuri) oo) ah Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka ee Gobalka Mudug.

wuxuuu sheegay in aanay ahayn in qabiil uu le’do ama u baa’ba’o Maamulka Federaalka ah dartii asigoo digniin u diray qabaa ilada.

“Dowladdu hadday Dowladda tahay Ciidamo ha qorato, ha ku xisaabtanto, Mushaar ha siisato,ha nadaamsato, laakiin reer hebelow Dowladda u dagaalama, anigu waxaan u arkaa Caqli dabada loo kor marshay in ay tahay oo Madaxa ha lagu socdo  ay tahay ” ayuu Yiri Nabadoon Xasan aadan Nuux

asigoo ka qayb galayay Barnaamijka Diiradda Jimcaha ee Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan oo lagu falan qaynayay Dagaalkii dhawaan ka dhacay Gobalka Mudug ee Dowladda Federaalka ah iyo Galmudug looga dilay 97 askeri ayuu ayuu si adag u dhaliilalay Nimanka hormuudka u ah Dagaalka lagu soo qaaday Degaanada Mudug ka tirsan ee Shareecada Islaamiga lagu maamulayay..

wuxuu sheegay in ay muddo  toban sano ay Ummadda dhibaato ku hayeen loona baahan yahay in ay xisaabtamaan

Halkaan ka dhegeyso Warka Nabadoon Quuri

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular