Koox dabagasha safarrada badaha ee doonyaha ganacsiga ayaa bayaan ay soo saartay waxay ku sheegtay in ugu yaraan 3 doonyo oo noocyda waaweyn ah, islamarkaana sida dalaga qamadiga ay ka shiraacdeen dekadaha dalka Ukraine, kuwaasoo isticmaali doona marin cusub oo aan ka ahayn kii ay horey u mari jireen ee badda madow.
Sida ku cad bayaanaatka kooxda Marin Trafic, saddexda doonyo ayaa ka shiraacday maanta oo Axad ah dekadaha dalka Ukraine, kadib markii ay daad gureeyeen shixnado qamadi iyo dalagyo kale oo kasoo go’ay beeraha wadanka Ukraine.
Doonyahan waxay mari doonaan marin aamin ah oo mid banii aadamnimo ah, kaasoo aan ahayn kii mari jirey badda madow, oo ahaaa marin ay isticmaali jireen maraakiibta ka shiraacata dalka Ukraine, kahor inta aaney dowladda Ruushka ka bixin heshiiskii dalagga ee ay garwadeynka ka ahaayeen Turkiga iyo Qaramada Midoobay.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka Ukraine ayaa saddex bilood kahor wuxuu shaaca ka qaaday in saddex doonyo ay kusoo wajahanyihiin dalka Ukraine, kuwaasoo daabuli doona wax soo saarka beeraha dalka Ukraine, si loogu iib geeyo caalamka daafihiisa kala duwan.
Saddexda doonyo iyo labo kale oo la sugayo ayaa waxaa lagu soo waramayaa iney daad gureyn doonaan tanan tiro badan oo wax soo saarka beeraha iyo biraha la xiriira, kuwaasoo loo rari doono dalalka Spain, Masar iyo Shiinaha.
Bishii Febraayo 2022-ka ayay dowladda Ruushka waxay albaabada isugu dhufatay dekadihii badda madow, iyagoo ku andacootay in dekadahaas loo adeegsan karo in lagula soo dego hub kala duwan, xukuumadda Kiyeef iyo taageeriyaasheeda reer galbeedka ayaana tallaabadaas ku tilmaamay mid cunnada aduunka halis gelin karta, Ruushkuna doonayo in hubka gaajeysiinta uu u adeegsado gaaritaanka danihiisa siyaasadeed.