HomeAll newsWarsaxaafadeed: Nafhurnimo Sraakiil Iyo Askar Lagu Beegsaday Muqdisho.

Warsaxaafadeed: Nafhurnimo Sraakiil Iyo Askar Lagu Beegsaday Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ka dhacay weerar nafhurnimo ah oo lala beegsaday goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo ciidamo.

Goobta oo u dhow xarunta Baarlamaanka Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay qarax baaxaddiisu aad u weyn tahay waxaana wararka hordhaca ah ay sheegayaan inuu jiro khasaare aad u badan.

Goob joogayaal ka ag dhow halka ay wax ka dhaceen waxay xaqiijiyeen iney indhahooda ku arkeen meydad iyo dhaawacyo badan oo la daabulayo.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si hordhac ah loogu sheegay in weerarka lagu dilay ugu yaraan 11 laguna dhaawacay 18 kale oo ka tirsan DF.

Halkan Ka Degso Warsaxaafadeedka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular