Dhacdooyin xiriir ah oo si lama filaan ah ku billowday iyo dagaallo culus oo aan loo fileynin in qaabkan ay noqon doonaan ayaa ka soconaya gobolka Amxaarada oo ah gobolka labaad ee ugu weyn dalka Itoobiya, kaasoo dhexmaray jabhadda FANO iyo ciidamada federaalka Itoobiya.
Dagaallada soconaya waxaa miizaanka ay leeyihiin iyo iney xaaladdu sahal ahayn uu banaanka uu soo baxay markii madaxweynaha is maamulka Amxaarada uu ku dhawaaqay in talo ay farihiisa ka baxday, dowladda dhexe ee Itoobiyana ay la gudboontahay iney faragelin soo sameyso, 4-tii Bishan ayaana golaha wasiirada ee xukuumadda Abey Axmed waxxay fadhi ay yeesheen ku go’aamiyeen in xaalad degdeg ah lagu soo rogo gobolka.
Dowladda Itoobiya waxay qowmiyadda Amxaarada u kaashatay dagaalkii qaraaraa ee ay la gashey kooxda Tigreega, maantana iyaga ayaa isku soo jeestey, waana arin astaan u ah kala qeybsanaanta qowmiyadeed ee dalkan ka jirta, iyo sida dhinacyada dalka ay madaalim u kala tabanayaan, qof welibana uu ugu xusul duubayo inuu isagu gacanta ku dhigo awoodda wadanka, si uu uga aargoosto dadka uu ka tabanayo.
Dadka falanqeeya arimaha Itoobiya waxay tilmaamayaan in dagaalka ka socoda Itoobiya ee dhexmaraya ciidamada federaalka iyo qowmiaydda Amxaarada uu kusoo dhamaan karo keliya labo arin, heshiis siyaasadeed ama in Amxaaradu ay sii wadaan dagaalka illaa ay ka qabsanayaan markale awoodda wadanka.
Marka laga hadlayo waxyaabaha keenay dagaalka hadda ka soconaya wadanka Itoobiya, wuxuu bishii April ee sanadkan ra’iisul wasaaraha Itoobiya soo saaray wareegto lagu kala dirayo malleeshiyaadka qowmiyadaha, laguna dhisayo ciidan dhexe oo ay Itoobiya leedahay, tan ayaana ah aragti uu mar weliba uu ku haminayay Abey Axmed, isagoo doonaya inuu dalka ka dhiso awood maamul oo dhexe, halka maamul goboleedyadana ay noqonayaan kuwa taag daran, waana aragti ka duwan mida ay qabeen masuuliyiin xilka kaga horeysay.
Dadka u ololeeya qowmiyadda Amxaarada ee jooga gudaha iyo dibadda ayaa billaabay iney dhaliilaan qaraarka xukuumadda, mar dambena waxya abaabuleen dibadbaxyo waaweyn oo ka dhacay magaalooyinka gobolka, taasoo keentey in ugu dambeyn ay xukuumadda dhexe iyo is maamulka Amxaaraduba ay talo farahooda ka baxdo.
Marka laga hadlayo asbaabaha ay malleeshiyaadka Axmaarada u diidayaan in hub ka dhigis lagu sameeyo, hubkoodana ay dowladda dhexe ku wareejiyaan, waxaa jira asbaabo dhowr ah oo is biirsaday, kuwaasoo lagu soo khulaaseyn karo cabsida la xiriirta in musatqbalka ay la kulmaan aargoosi, maadaama tabashooyin badan ay wadanka ka jiraan, iyo sidoo kale iyagoo boholyow u qaba in markale ay qabtaan talada wadanka Itoobiya oo ay ug udabmeysay sanadkii 1974-tii, xilligaas oo Xeyla Salaase ahaa boqorka Itoobiya.
Halkan ka dhagayso Warbixin-xaaladda-dalka-Itoobiya iyo asbaabaha dib u kiciyay dagaalka.mp3