HomeAll newsWiil Bajaajle ah Oo lagu dilay Magaalada Dhagaxbuur ee Dhulka Soomaali-galbeed.

Wiil Bajaajle ah Oo lagu dilay Magaalada Dhagaxbuur ee Dhulka Soomaali-galbeed.

Wararka ka imaanaya magaalada Dhagaxtuur ee dhulka Soomaali-galbeed ayaa ku waramaya in halkaas lagu dilay wiil Soomaaliyeed oo Bajaajle ahaa.

Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabaa Suldaan Cabdi Khaliif, waxaana dilka uu dhacay habeen hore, iyadoo loo adeegsaday rasaas.

Dadka magaalada ayaa tilmaamay iney aad uga argagaxeen dhacdadan lagu dilay wiilka Bajaajla ah, iyagoo sheegay ineysan garaneyninn cida dilka geysatay.

Meydka wiilka ayaa la heley xilli dambe, illaa iyo hadana ma cada cida geystay dilkan, deegaannada Soomaali galbeed ayaana waxaa badanaa ka dhaca tacadiyaad ay si muuqato iyo si qarsoonba u geystaan ciidamada Liyu Police ee Itoobiya u shaqeeya.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular