HomeAll newsMaamulka SSC Oo la wareegay Saldhigii Goojacadde ee Soomaali-land.

Maamulka SSC Oo la wareegay Saldhigii Goojacadde ee Soomaali-land.

 

Ciidamada maamulka magaalada Laascaanood ayaa dagaal kula wareegay saldhigii ugu weynaa ee ciidamada maamulka Soomaali-land kaga sugnaayeen halkaas kadib dagaal culus oo waxba la isku reeban.

Muuqaallo ku baahay baraha Internetka ayaa muujinaya iyadoo ciidamada SSC ay gudaha u galayaan xaruntii Goojacadde oo ahayd goobta keliya ee ciidamada maamulka Soomaali-land kaga suganyihiin magaalada Laascaanood.

Hub iyo saanado kala duwan ayaa gacanta looga dhigay maamulka Soomaali-land, waxaana jira askar iyagoo nool gacanta lagu dhigay.

Maamulka SSC ayaa ku faanay tallaabada ay qaadeen ciidankooda, qaar kamid ah taageeriyaasha maamulka ayaana baraha bulshada waxay ku muujinayeen farxadooda ku aadan in Qoojacadde ay soo gasho gacanta ciidanka maamulka SSC iyo kuwa deegaanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular