HomeAll newsFaafaahin: Inkabadan 50 Askari oo ku dhintay Camaliyad ka dhacay Duleedka Ceelbuur.

Faafaahin: Inkabadan 50 Askari oo ku dhintay Camaliyad ka dhacay Duleedka Ceelbuur.

Faafahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashey camaliyadii Istish-haadiyada ahayd ee maanta ka dhacday duleedka magaalada Ceel-buur ee gooblka Galgaduud, taasoo lagu beegsaday askarta Bankrafta ee Maraykanku tababaray.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 59 askari oo ay saraakiil kamid yihiin ayaa ku dhimatay camaliyadda, halka ay dhaawacyadu intaas ka badanyihiin, sida ay tilmaamayaan ilo wareedyo rasmi ah.

Marka laga soo tago dhimashada iyo dhaawaca, waxay camaliyaddu burburisay gawaari ciidan oo ay la socdeen saraakiisha iyo askarta Bankrafta.

Dhaawacyada iyo meydadka waxaa daabuley diyaarado hellicopters ah oo ay dusha sare ka waardiyeynayeen diyaaradah dronesta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular