Ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa DF ayaa maanta ku dagaalamay duleedka degmada Dayniille ee magaalada Muqdisho kaasoo sababay khasaare kala duwan.
Dagaalka oo dhacay barqanimadii maanta ayaa yimid kadib markii askarta DF ay isku dayeen iney muujiyaan dhaqdhaqaaqyo ay dibadda uga soo baxayaan Dayniile, waxaana qabsaday weerar uga yimid askarta XSHM.
Ciidamada Al-Shabaab oo u muuqday kuwa sii ogaa socdaalka askartan ayaa dhowr jiho ka weeraray kolonyada oo ay horkacayeen saraakiil dhowr ah oo ka tirsan Duufaan.
Xogta hordhaca ah ee aan heleyno waxay sheegeysaa in DF goobta looga dilay tiro saraakiil iyo askar isugu jira oo uu ugu weyn yahay hogaamiyihii dagaalka horkacayay kaasoo ay dadka qaar u yaqaanaan Jaabir Boondheere.
Ma jiro wax war ah oo arrintan ku aadan oo illaa iyo hadda kasoo baxay taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo DF ka intaba.
Wararka hadda nasoo gaaraya waxay sheegayaan in dagaladu ay wali soconayaan.