HomeAll newsIn Ka Badan 130 Askar Itoobiyaan Ah oo Lagu Qabtay Baydhabo Kadib...

In Ka Badan 130 Askar Itoobiyaan Ah oo Lagu Qabtay Baydhabo Kadib Isku Day Gadood.

Iyadoo wadanka Itoobiya ay ka holcayaal dagaallo culus oo u dhaxeeya xukuumadda Adisababa iyo qowmiyadda Amxaarada ayaa waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay in ka badan 130 askari oo Xabashi ah kuwaasoo sameeyay isku day gedood ah.

Sida aan xogta ku heleyno ciidamadan ayaa gebi ahaantoodba u dhashay qowmiyadda Amxaarada, waxaana ay ka xun yihiin dagaalka lagu qaaday degaanadooda, laguna baabi’inayo ehelkooda.

Warbaahinta wadanka Itoobiya ayaa laga soo xigtay in qaar kamid ah askarta lagu qabtay magaalada Baydhabo ay saraakiil iyo taliyayaal ciidan yihiin, uuna kamid yahay nin taliye guuto ah oo aad u yaqaana abaabulka iyo kicinta askarta.

Itoobiya waxay sheegtay in labo diyaaradood loo diray Baydhabo ayna soo daabuleen dhammaan ciidanka Amxaarada ah ee looga shakiyay iney gedoodka sameeyaan.

Diyaaradaha lagu daabulay ciidankan ayaa ku yimid amar kasoo baxay Abiy Axmad kadib markii ay macluumaad siiyeen taliyaal uu ku kalsoon yahay ee ku sugan Baydhabo.

Warku wuxuu intaas ku daray iney jiraan askar kale oo Amxaaro ah oo baxsaday kuwaasoo aan la ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo dorraad saldhigga magaalada Baydhabo ay ka daggan yihiin Xabashida lagu arkay meydka askari Amxaar ah oo is daldala isagoo ka xun waxa wadankiisa ka socda.

Dagaalada ka holcaya dalkaas ayaa saameyn aad u weyn ku leh ciidamada gaar ahaan kuwa kusoo duulay Soomaaliya, walow dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay uu socday ol’olayaal lagu kala badalayo taliyaasha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular