Hogaamiyaha maamulka Koofurgalbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa maalintii shalay socdaal uu uga tegay magaalada Baydhabo ku gaaray degmada Buurhakaba ee isla gobolka Bay.
Baydhabo iyo Buurhakaba oo isku jira 66km ayuu Laftagareen awoodi waayay inuu socdaal dhulka ah ku maro wuxuuna u qaatay diyaarad kiro ah oo ay kaga baxday lacag boqollaal kun oo doolar ah.
Ujeedada socdaalkiisa ayaa ahayd inuu la kulmo saraakiisha Xabashida ee ku sugan Buurhakaba si uu ula qeybsado tacsiga ku aadan dhibaatooyinka wadankooda ka jira.
Sidoo kale maamulka Koofurgalbeed ayaa sheegay in hogaamiyahoodu uu Xabashida u gudbiyay culeys weyn oo ka heysta dhanka magaalada Baydhabo halkaasoo ay aad u kulaalayaan ciidanka milatariga XSHM ee wilaayada Bay.
Ciidamada XSHM ayaa ku sugan degaanka Caanka ah ee Daynuunaay oo wax ka yar 20km u jira magaalada Baydhabo iyadoo sidoo kale ay soo laalaabteen weerarada lagu burburinayo xeryaha ciidanka Koofurgalbeed ee degaanada Goofgaduud Buurey iyo kuwa lamidka ah.
Laftagareen ayaa sheegay inuu dhibaato weyn ku qabo kala xirnaanta Baydhabo iyo Buurhakabo islamarkaana ka fakarayo sidii wadada laamiga ah ee labada magaalo la isugu furi lahaa.
Sida ay ogaatay warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan, ma xirna wadada xiriirisa Baydhabo iyo Buurhakaba, waxaana mara gaadiidka dadweynaha, balse ciidamada shisheeye iyo kuwa DF ayaanan mari karin maadaama ay ku sugan yihiin ciidamada XSHM.
Marar badan waxaa wadadan lagu soo afjaray kolonyooyin gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Itoobiya, waxaa lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koofurgalbeed oo uu kamid yahay gudoomiyihii hore ee degmada Buurhakaba.
Bulshada reer Bay iyo Bakool ayaa Xabashida u arkay ciidan gumeysi ah oo kusoo duulay dalkooda iyo diintooda, waana midda keentay in ciidanka Xabashidu go’doon ku noqdaan degaanada ay joogaan.