HomeAll newsHalkuu ku dambeeyey Goodiskii Dowladaha Galbeedka Afrika ee ka dhan ahaa Niger?

Halkuu ku dambeeyey Goodiskii Dowladaha Galbeedka Afrika ee ka dhan ahaa Niger?

Saacado yar ayaa ka dhiman waqtigii ay dowladaha ku mideysan ururka ECOWAS ay u qabteen milliteirga Niger in talada wadankaas ay ku celiyaan gacanta Muxamad Baazuum, haddii kalena fishaan duulaan milliteri oo ay dalkaas kusoo galaan ciidama ka socoda galbeedka Afrika.

Inkastoo khiyaarka duulaanka uu yahay kan ugu badan ee uu hadal hayo ururka Ecowas, hadana waa midka ugu adag marka laga hadlayo mandiqadda guud iyo shucuubta ku nool, illeen waa arin ka dhigan dagaal horleh oo ka qarxa wadan kamid ah galbeedka Afrika iyo loolan cusub oo billowda.

Dowladaha xubnaha ka ah ururka ECOWAS ayaa gaaraya 15 dowladood, waxaana kamid ah dalalka Gambia, Geny, Labeira, Malia, Senigal, Seriliaone, Banin, Burkina Faso, Maali, Ivory cost, Niger, Nayjeeriya, Maali, Burkina Faso iyo dalal kale, waxaan dowladahan ay ku fadhiyaan masaaxo ahaan 5 million oo kiilmoter labo jibaaran marka laga hadlayo guud ahaan masaaxada qaaradda Afrika.

Todobaad kahor oo uu qorshaha Niger iyo waxa laga yeelayo uu hor yaalay siyaasiyiinta dowladahan, wuxuu hadda ku wareegay gacanta milliteriga dalalkan, taasoo u badan iney ka dhabeyn doonaan faragelinta ay ku hanjabeen, laakiin maahan arin sahlan oo si fudud lagu billaabi karo, haddii billowgeedu fududaadana waxaa adkaan doonta soo afjarkeeda, sida ay qabaan dad badan.

Dhagayso Warbixin_Dowladda_Afrika_maka_dhabeyn_doonaan_goodiskooda ka dhanka ah milliteriga Niger.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular