Mid kamid ah hogaamiyaasha ciidamada DF ee ka hawlgala qeybo kamid ah gobolka Hiiraan ayaa dhalleeceyn u jeediyay bulshada gobolka gaar ahaan kuwa ay degaanadooda xoogga ku heystaan.
Hoosow ayaa khudbad u jeediyay dad maati ah oo si qasab ah looga soo kaxeeyay guryahooda, ganacsigooda iyo goobahooda waxbarasho, wuxuu ku yiri: “Reer Jamaaco Mubaarak Macawiisleyda maad baraxa iyo hubka ku caawisaan”
Intaasi kadib wuxuu dadweynaha kula soo jeestay handadaad iyo cagajugleyn, isagoo indhaha ku gubaya bulshada, margayada qoortiisana dibadda soo dhigaya ayaa waxa uu amar ku bixiyay in la dhoco hantidooda.
Hoosow ayaa kamid ah hogaamiyaasha ciidamada DF, wuxuuna caan ka dhex yahay saraakiisha. Hoosow ayaa dhowr maalmood ka hor ku beerlaxawsanayay dadka ku dhaqan degaanada dacalka ku haya Baladweyne iyo Buuloburde, balse hadda wuxuu amray in la dhoco hantidooda.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA