Waxaa qeyla dhaan xooggan laga muujinayaa o’ole ay DF ku dooneyso iney kula wareegto dhul dad caan ah leeyihiin oo ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Dhulku waa halkii ay ka dhisnayd warshaddii isbuunyada ee Gargaar taasoo ay shirko ku ahaayeen ganacsato caan ah oo ay kamid yihiin reer Xayle Bariise.
Odayaal dhaqameedyo ku shiray magaalada Muqdisho ayaa arrintan boobka ah ku eedeeyay gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Jimcaale iyo xildhibaan ay qaraabo yihiin oo la yiraahdo Yuusuf Kabaalle.
Odayaasha ayaa sheegay in dhulkaas oo la dhoco ay ka xigaan geeri iyagoo sheegay in dulqaadkii uu ka dhamaaday sidii hadba dhul iyo goryo looga dhacayay.
Yuusuf Kabaalle oo ah xildhibaanka lagu eedeeyay inuu boobkan dhulkan kula shuraako yahay gudoomiye Madaale ayaa sheegay inuusan shaqo ku lahayn. Yuusuf Kabaalle ayaa dhalliilay qaabka ay odayaashu wax u raadinayaan, wuxuu xusay ineysan munaasab ahayn iney warbaahinta ka hadlaan.
Madaxda iyo saraakiisha DF ayaa Muqdisho ka wada dhulboob aad u xooggan, xataa dhul boobka noocan ah ma jiri jirin xilligii dagaalada sokeeye.