HomeAll newsDagaallo Culus oo Ka Socta Degaanka Amxaarada Ee Dalka Itoobiya.

Dagaallo Culus oo Ka Socta Degaanka Amxaarada Ee Dalka Itoobiya.

Wararka ka imaanaya gudaha wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaallo qaraar ay dhex marayaan ciidanka xukuumadda Adisababa iyo malleyshiyada Amxaarada oo ah horkacayso jabhadda Faano.

Dowladda Itoobiya ayaa dagaal cir iyo dhul ah ku qaaday qaar kamid ah fariisimayaasha malleyshiyada Amxaarada balse illaa iyo hadda lama soo sheegi wax horumar ah oo ay ka sameysay.

Goobjoogayaal ku sugan degaano isgaarsiin leh oo kamid ah dhulka Amxaarada ayaa soo sheegaya in dagaalladii dhacay saacadihii ugu dambeeyay ay ahaayeen kuwii ugu cuslaa abid taariikhda, waxay tilmaamayaan in aan waxba la isku reeban oo meydku isfeeryaallo.

Warbaahinta taageerta kooxa kacdoonka wada ayaa dhankooda sheegaya in malleyshiyada Amxaaradu dhankooda qaadeen duullaano aad u ballaaran islamarkaana ay weerareen Gonder, Goojaamo, Wagooyiga Wallo iyo degaano kale oo ay ku sugnaayeen ciidanka Itoobiya.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in mucaaradku ay si aad ah uga dagaalamayaan hareeraha magaalooyinka Goner iyo Baxardaar, halkaasoo ay dagaallo qaraar ka socdaan, waxa kale oo la xaqiijiyay iney la wareegeen magaalo lagu magacaano Manewa oo qiyaastii 28km waqooyi uga beegan Baxardaar.

Wararku waxay intaa ku darayaan in magaalooyinkaasi ay go’doon ku jiraan xilli ka hor dagaalkan oo maalintii shalay aad u qeyladhaamiyay madaxweynaha degaanka Amxaarada ee wakiilka ka ah Abiy Axmad kaasoo dalbaday gurmad degdeg ah.

Waxaa gabi ahaanba istaagay duulimaadyadii ay diyaaradaha Itoobiya ku tagi jireen gobolada Amxaarada siiba Gobder, Lalibela iyo Baxardaar.

Arrintan ayaa kusoo aaday iyadoo maalintii shalay uu ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmad ku dhawaaqay xaalad degdeg ah, sidoo kalana jaray isgaarsiintii degaanada Amxaarada.

Dagaalada ka holcaya gudaha dalka Itoobiya ayaa aad usii xoogeysanaya. Qowmiyadda Amxaarada oo ah mid inta badan talada Itoobiya gacanta ku heyn jirtay sidoo kalana aaminsan in Itoobiyaanka kale addoomo u yihiin ayaa tabaneysa eedo badan.

Waxay saluugsan yihiin heshiiskii uu Abiy la galay Tigre kaasoo aan laga qeyb galin Amxaarada oo qeyb ka ahaa dagaalka, waxa kale oo ay ka walaacsan yihiin in xukunka lagu soo celiyo Tigre oo ay dagaal qaraar la galeen sannadkii u dambeeyay.

Abiy Axmad ayaa aad ugu jahwareersan siyaasadda wadanka Itoobiya illaa iyo haddana lama oga in dagaalada hadda socda ay horseedi karaan burburka Itoobiya iyo in kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular