Beesha Maxamuud Hiraab (Duduble) ayaa sheegtay in ay kaalin buuxda ku lahayd Dagaal Shalay ka dhacay inta u dhexeysa Degaanada Ceel Meygaag iyo Galqoryaale ee Gobalka Galgaduud kaasoo lagu jebiyay Ciidamo Duulaan ahaa oo ka tirsan Dowladda Federaalka ah.
Mire Weheliye Culusow (Cagdheer) oo ka tirsan Hogaanka Beesha Maxamuud Hiraab oo ay Xalay wareysatay Idaacadda ku hadasha Afka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Al-andalus ayaa sheegay in Dagaalku ka dhacay halka loo yaqaan Ceel wacanri dagaalkuna mudda socday.
wuxuu sheegay in Ciidamada Beesha Maxamuud Hiraab ka qayb qaateen Dagaalka ayna cagaha wax ka dayeen Ciidamadii soo weeraray.
wuxuu sheegay in Ciidamada la jebiyay ay ka baxeen Dhulka Maxamuud Hiraab oo ay Degaano kale galeen.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa Beesha Maxamuud Hiraab ayaa Shalay isu kaashaday Dagaalka ka dhacay Ceel wacanri.
Ciidamada Dowladda Federaalka ah oo Dharbaaxyo Xoogan ku dhacday ayaa gaaray Galqoryaale welow wararka qaar sheegayaan in ay sii dhaafeen oo ay aadeen Degaan kale oo Dhanka Guriceel Xagiisa ah.
Beelaha Maxamuud Hiraab, Murusade, iyo Waceysle ayaa horay si wada jir ah u sheegay in ay Garab taagan yihiin Xarakada Shabaabul Mujaajidiin Dhulka ay Degaana aanay u ogoleyn in laga suuliyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka Isla Markaana Dimuquraadiyad lagu Maamulo.