Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka dhacay howlgal qorsheysan oo lagu dilay sarkaal katirsan ciidamada Dowladda federaalka.
Rag hubeysan oo katirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xaafadda Xoosh ee magaalada Muqdisho waxay ku dileen sarkaal labo xidigle ah oo katirsan ciidamada milliteriga.
Sarkaalkan laba xidigle ah ayaa lagu magacaabaa Muxyidiin Xalane, waxaana uu ahaa taliye ku xigeenka ciidamada Dowladda federaalka ee degan xerada Bangala ee degmada Dayniile.
Raga dilka geystay ayaa goobta uga dhaqaaqay si nabad geliyo ah, waxaana mudo halkaas yaalay meydka sarkaalka, kaasoo ay markii dambe goobta ka qaadeen askarta Dowladda federaalka.