Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa galinkii dambe ee maanta lagu toogtay wasiir ka tirsanaa maamulka Hirshabelle.
Howlgal gaar ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab galabta ka fuliyeen xaafada Godeey ee degmada Yaaqshiid ayaa waxay ku beegsadeen wasiirkii hore ee beeraha ee maamulka Hirshabelle.
Wasiirka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Muudey kaasoo ay goob joogayaashu sheegayaan in dhor xabbadood oo lagu dhuftay uu u geeriyooday.
Shalay ayay ahayd markii magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe lagu dilay madixii Canshuuraha ee gobolka Sh/Dhexe oo la oran jiray Daahir Maxamad Kaanti.