HomeAll newsDEGDEG: Al-Shabaab oo Guul Iyo Gacmo Buuxa Ka Helay Laba Xero oo...

DEGDEG: Al-Shabaab oo Guul Iyo Gacmo Buuxa Ka Helay Laba Xero oo Dhaca Duleedka Baydhabo.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa galabta dagaal kula wareegay laba xero oo ay ciidamada maamulka Koofurgalbeed ku lahaayeen degaanka Goofgaduud Buurey ee duleedka magaalada Baydhabo.

Xeryaha oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda ayaa waqti isku mid ah xabbaduhu ka shanqareen, dagaal in yar socday kadibna Al-Shabaab ayaa gacanta ku dhigay labada xero.

Waxaan xog hordhac ah ku heleynaa in ciidamada Koofurgalbeed ay noqdeen wax la dilo iyo wax ka carara goobta, milatariga Xarakada Al-Shabaab-na waxaa u suura gashay iney la wareegaan wixii ay ka carareen askarta.

Ciidamada maamulka Koofurgalbeed ayaa waxaa tababarka siiya askarta Xabashida ee heysata magaalada Baydhabo iyo saraakiil Ingiriiska u dhalatay.

 

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Ninkii indihiisu wax arag. Ninkii dhagahiisu wax maqalin. Nin maalaayacni kunool iyo ha larko ama hala ogaado iyo halagaa sheego. hasugo maalintaa. Lkin maanta maaha maalintii Ethiopia, America, iyo Murtad malagi galay. Maanta waa maalin jihaad iyo mujaahid.

    Maanta waa maalintii awliyada , maanta waa maalintii rasuulka iyo saxaabada. Maanta waa maalin alshabab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular