HomeAll newsMaxay Masar iyo Itoobiya ugu tartamayaan xal u helidda dagaalka Suudaan?

Maxay Masar iyo Itoobiya ugu tartamayaan xal u helidda dagaalka Suudaan?

Wixii ka dambeeyay fashilkii wadahadalladii Jeddah ee dhacay bishii April, laguna doonayay in lagu xalliyo xaaladda Suudaan, waxaa Masar iyo Itoobiya ka dhex billowday tartan adag, kaasoo ah mid muuqda iyo mid qarsoon intuba, waxaana muujinaya arinkaas kulannada isdaba jooga ah ee madaxda dalalkaas ay la yeelanyaan saraakiisha ciidamada dalka Suudaan, iyagoo rajo ka qaba in mid weliba uu ku guuleysto in labada dhinac uu ku qanciyo heshii nabadeed, oo keenaya in ciidamadu ka baxaan magaalooyinka, noloshana ay caadi kusoo noqoto, dalkana uu yeesho dowlad madani ah.

Al-Qaahira iyo Adis Ababa waxay isku arkaan iney xaq u leeyihiin xallinta khilaafka Suudaan, maadaam ay labada dalba deris dhow la leeyihiin Suudaan, ayna heystaan arimo badan oo ay ku cadaadin karaan saraakiisha milliteriga, laakiin arinka Meesha yaala ayaa ah in dowlad weliba ay keligeed dooneyso iney hesho kaalinta dhex-dhexaadinta iyo xalka, si miraha wada xaajoodyadaas ay iyadu u garato, Al-Qaahira ayaana markan diidan in Adis Ababa ay fursad labaad ka hesho Suudaan, maadaama Abey Axmed uu isagu dhex-dhexaadiyay khilaafkii hore ee dalka Suudaan ka aloosamay markii talada afgembiga loogala wareegay Cumar Xasan Al-bashiir.

Maadaama dowladda Masar ay horey u dib dhacday waxay xooga saartay markan wixii ka dambeeyay fashilkii wadahadalladii Jeddah iney martiqaad u fidiso dowladaha deriska la ah Suudaan, Itoobiya ayaana ku jirtey dalalka lagu casuumey kulanka, laakiin Abey Axmed dheg jalaq uma siinin dhaq-dhaqaaqyada Masar, oo isaga ayaaba Adis Ababa ka abaabulayay kulan ay isugu yimaadaan dowladaha IGAD, loogana hadlayo xaaladda Suudaan.

Halkan ka dhagayso Warbixin : Maxay Masar iyo Itoobiya ugu tartamayaan xal u heliidda arinta Suudaan.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular