HomeAll newsDIRAASAD: Itoobiya waxay Dooneysaa la wareegitaanka Dekadaha Soomaaliya.

DIRAASAD: Itoobiya waxay Dooneysaa la wareegitaanka Dekadaha Soomaaliya.

 

Faransiiska ayaa Itoobiya ka gacan siinaya dhismaha ciidanka badda.

Warbixin uu daabacay markazka diraasaatka siyaasadda iyo istiraatiijiyadda ee Al-Ahraam ayaa looga hadlay sida ay Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ugu xusul duubeyso iney la wareegto dekadaha, harooyinka biyaha iyo xitaa webiyada mara guud ahaan bariga Afrika gaar ahaan mandiqadda geeska Afrika.

Warbixintan oo uu qorey baare lagu magacaabo Axmed Caskar, ayuu ku sheegayaa in dowladda Itoobiya ay leedahay hadaf istiraatjiyadeed oo ka dhigan iney cagta dhigto dhamaan dekadaha ku yaala mandiqadda, kana baxdo tilmaamta ah dowlad bad la’aan ah, Abey Axmed ayaana arintan u arka mid uu ku hormarin karo dhaqaalaha dalkiisa.

Tan iyo markii uu ninkan noqday ra’iisul wasaaraha Itoobiya sanadkii 2018-ka, wuxuu dalku meel mariyay siyaasad loogu magacdaray siyaasadda dekadaha, taasoo ujeedkeedu ahaa in Itoobiya uu gacanta ku dhigo dhaqaalaha geeska Afrika, uuna noqdo dalka ugu awooda badan marka laga hadlayo ciidamada badda.

Tallaabooyinkii ugu horeeyay ee uu qaaday Abey Axmed waxay ahayd inuu heshiisyo xaga dekadaha ah la saxiiddo dalalka deriska ah sida Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Suudaan, iyadoo ay dheertahay heshiis uu la gaarey maamulka Soomaaliland, waxaana isla xilligaas uu Abey dib usoo celyay xiriirka kala dhexeeya Ereteriya, isagoona ku dhawaaqay 2019-ka in dalkiisu xooga saari doono sidii uu u dhisi lahaa ciidan badda oo awood leh, arinkaasna waxaa uu sheegay iney kala shaqeyneyso dowladda Faransiiska.

Diraasad-Itoobiya-oo-u-xusul-duubeysa-la-wareegitaanka-dekadaha-geeska-Afrika.mp3

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular