HomeAll newsSaraakiil loo xirxirey weerarkii cuslaa ee Kulliyada Jaalle Siyaad.

Saraakiil loo xirxirey weerarkii cuslaa ee Kulliyada Jaalle Siyaad.

 

Dowladda Federaalka ayaa si rasmi ah u sheegtay iney xabsiga dhigtay saraakiil sar sare oo katirsan ciidankeeda, kuwaasoo loo heysto weerarkii cuslaa ee xerada kulliyada Jaalle Siyaad, kaasoo ay masuuliyadiisu sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Wasiirka wasaaradda Gaashandhiga Dowladda Federaalka Cabdilqaadir Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in xabsiga la dhigay saraakiil ciidan oo looga shakiyay iney kaalin ku lahaayeen weerarka lagu laayay ciidamada Dowladda federaalka ee Isniintii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashandhiga Cabdi-Fataax Qaasim ayaa dhankiisa xaqiijiyay in ugu yaraan 14 sarkaal oo uu ku jiro taliyihii masuulka ka ahaa xerada Kulliyada Jaalle Siyaad ay xabsiga ku jiraan, lana weydiinayo su’aalo la xiriira weerarka.

Weerarkii Kulliyada Jaalle Siyaad ayaa abuurey shaki iyo tuhun u dhexeeya saraakiisha Dowladda federaalka, iyadoona Xillibaannadu sheegeen inaney jirin cid la isku aamini karo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular