HomeAll newsCali Jeyte: "Company-ga Hadduu Khasaaro Waa Laga Baxaa Nooh"

Cali Jeyte: “Company-ga Hadduu Khasaaro Waa Laga Baxaa Nooh”

Cali Jeyte Cusmaan oo sheegay inuu isaga baxay maamulka Hirshabelle islamarkaana Beledweyne ka sameystay maamul isaga u gaar ah ayaa eedeyn u jeediyay Cali Guudlaawe.

Wuxuu Guudlaawe iyo Hirshabelle ku tilmaamay faashiliin sidaasi darteedna uu isaga baxay. “Fiiri Company-gu hadduu khasaaro waa laga baxaa, wuu khasaaray nooh, waxa haddey faashil noqdaan lagama sii mid ahaan karo” ayuu yiri.

Hadalkiisa ayuu ku xoojiyay dagaal beeleedyada lagu hoobanayo ee ka socda degmooyinka Raagaceelle iyo Cadalle, kuwaasoo uu sheegay in uu ka dambeeyo Cali Guudlaawe, hogaamiyaha Hirshabelle.

Wuxuu ku eedeeyay inuu yahay nin hogaamiye-kooxeednimo kusoo galay maamulka oo shaqadiisu tahay inuu beelaha isku diro, sidoo kale wuxuu sheegay in uu dhawaan isku diri gaaray beelo wada dagan halka ay iska galaan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Maamulada DF ayaa ku khasaaray sameynta malleyshiyada macawiisley sida ay sheegayaan siyaasiyiinta, waxaa kala jabay nidaamyadoodii iyadoo malleyshiyaadkii la hubeeyay ay qabiil-qabiil u kala safteen islamarkaana is gumaadayaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular