HomeAll newsKenya: "Boqolkiiba 60 Mandheera Waxaa Maamula Al-Shabaab"

Kenya: “Boqolkiiba 60 Mandheera Waxaa Maamula Al-Shabaab”

Maamulka dowladda Kenya ugu magacaaban gobolka Soomaaliyeed ee Mandheera ayaa walaac xooggan ka muujiyay hawlgallada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee gobolkaas, kadib markii ay kordheen weerarada lagu beegsanayo ciidanka iyo saraakiisha Kenya iyo dadka aan muslimiinta ahayn.

Maxamad Aadan Khaliif oo ah gudoomiyaha gobolka ayaa sheegay in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay isku fidiyeen dhulka baaxaddiisa, taas oo keentay in uu meesha ka boxo dhaqdhaqaaqii maamulka degaanada iyo isku socodkii ciidanka.

Wuxuu shaaca ka qaaday in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay Mandhera la wareegeen 60% tan oo ka dhigan in gobolka intiisa badan ay gacanta ku hayaan, halkaasoo ay ku nool yihiin dad Soomaali ah oo muddo ku hoos jiray gumeysiga dowladda Kenya.

Khaliif ayaa intaa ku daray in milatariga Xarakada Al-Shabaab ay culeys weyn soo saareen gobolka, isagoo u qeyla dhaamiyay xukuumadda Nairobi, xilli xukuumaddu ay dhawaan maamulka ku canaanatay iney ammaanka wax ka qabtaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ku celceliyay in hawlgallada ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay aad u kordheen bilihii lasoo dhaafay islamarkaana ku dileen xubno badan.

Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in laga qabsaday wadooyinkii ugu muhiimsanaa gobolka Mandheera, mana jirto cid dowladda ka tirsan oo ku safri karta.

Mar uu ka hadlayay arrintan iyo xalkeeda wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la abuurmo malleyshiyo Soomaali ah maadaama ciidanka Kenya ay ku fashilmeen.

Aadan Barre Ducaale oo ah wasiirka gaashaandhigga Kenya ayaa dhawaan hanjabaad u jeediyay bulshada Soomaaliyeed ee tan iyo 1963 ku hoos jira gumeysiga dowladda Kenya, wuxuuna ugu baaqay ineysan u hanqal taagin maamulka dad uu ku sheegay ineysan garka iska xiirin isagoo markaa muujinaya ineysan wax wanaagsan ahayn garka oo la deysto.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular