HomeAll news3 Qof oo ku dhimatay Is Rasaaseyn ka dhacday deegaan katirsan gobolka...

3 Qof oo ku dhimatay Is Rasaaseyn ka dhacday deegaan katirsan gobolka Bari.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee uu ka arimiyo maamulka Puntland ayaa tilmaamaya in is rasaaseyn dhexmartay labo nin ay dhalisay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.

Labo nin oo ka wada shaqeynayay gubista dhirta si dhuxul looga dhigo ayaa rasaas isku furey, waxaana halkaas ku dhintay 3 qof halka ay dhaawacmeen 5 kale.

Deegaanka uu falkan ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Xumbabeys, wuxuuna hoostagaa degmada Iskushuban ee gobolka Bari ee uu ka arimiyo maamulka Puntland.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Iskushuban Axmed Jaamac Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dheceen.

Halkan ka dahgayso Gudoomiyaha ku xigeenka degmada Iskushuban

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular