Koox hubeysan oo dhawaan kaga dhawaaqday jabhad deegaan lagu magacaabo Gacan-Libaax oo katirsan gobolka Saaxil ayaa lagu soo waramayaa iney afduubteen dad isuga jira saraakiil ciidan iyo dad shacab ah.
Degmada Godaweyn ee gobolka Saaxil oo u dhow buurta ay malleeshiyadan deganyihiin ayuu ka dhacay falka afduubashada ah, waxaana dadka la afduubtay ay tiradoodu gaareysaa 8 ruux, kuwaasoo 2 kamid ah ay yihiin saraakiil ciidan oo katirsan maamulka Soomaaliland.
Saraakiisha la afduubay ayaa xilliga la afduubanayay waxay indho indheyn ka wadeen nawaaxiga buurta Gacan-Libaax oo saldhig ay ka dhigteen malleeshiyadan kasoo horjeeda maamulka Soomaaliland.
Xillibaan katirsan baarlamaanka Soomaaliland oo lagu magacaabo Xasan Ogaal ayaa sheegay in dabley hubeysan oo kasoo degtay buurta ay afuudbka geysteen, xilli iyagu ay ku sugnaayeen degmada Godaweyn ee gobolka Saaxil.
Xillibaankan ayaa sheegay in goor dambe ay ku guuleysteen in kooxda afduubka geystay ay ku qanciyaan sii deynta dadkan, waxaana kooxdan dhawaan muuqaal ay soo duubtay ku sheegtay iney kasoo horjeedo hab maamulka Muuse Biixi.