Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in qarax culus inta u dhexeysa Buulomareer iyo Danow lagula eegtay ciidamo katirsan Shisheeyaha gaar ahaan kuwii dhawaan isaga guuray deegaanka Maringubaay.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa haleeley gaari Taw ah, kaasoo goobta ku basbeeley, askartii saarneydna dhimasho iyo dhaawac ayay noqdeen.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay sidoo kale weerareen saldhigyada ciidamada Dowladda federaalka ee deegaanka Calamada iyo Ceelasha biyaha.
Guutooyinka madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay madaafiic ku garaaceen saldhiga ciidamada Shisheeyaha ee deegaanka Danow.
Halkan ka dhagyaso Faafaahin weeraro ka dhacay Shabeellaha Hoose.