
Maxkamadda ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee wilaayada Hiiraan ayaa xukun qisaas ah waxay ku fulisay Maxamed Calasow Cabdi oo horey u diley hooyadii dhashey iyo walaalkii la dhashey.
Deegaanka Shaw ee wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan ayuu ka dhacay xukunka, waxaana fagaaraha xadka lagu fulinayay isugu yimid dadweyne aad u badan.
Mid kamid ah Qudaada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ka jeediyay fagaaraha dacwadda la hor keenay maxkamadda iyo xukunka kasoo baxay.
Dhagayso nin Hooyadiis iyo walaalkii diley oo lagu dilay Hiiraan