Wararka ay baahinayaan warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegaya in sawaariikh xoogan ay ku dhacday qeybo kamid ah wadanka Ereteriya oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Asmara.
Ugu yaraan Afar gantaal ayay Tigreegu ku garaaceen Ereteriya, waxaana qaarkood ay ku dheceen goobo ay dadweyne deganyihiin.
Lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashey sawaariikhdan lagu garaacay Ereteriya, illaa iyo hadana Tigreegu laftooda si rasmi ah uma sheegan masuuliyadda.
Balse dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha is maamulka Tigreega waraysi uu siiyay AP uu si rasmi ah ugu sheegay in iyagu ay masuul ka ahaayeen gantaallo lagu garaacay dalka Ereteriya.
Dagaalka ka socda dalka Itoobiya ayaa sii galaya bil kaamil ah, mana muuqato wax rajo ah oo ku aadan inuu joogsado dagaalkaas.